Somalia

Update: UN Special Representative for Somalia condemns terrorist attack on UN in Garowe [EN/SO]

Source
Posted
Originally published
Origin
View original

Mogadishu, 20 April 2015 – The Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) for Somalia, Nicholas Kay, expressed outrage at today’s terrorist attack that resulted in the death of four UNICEF staff and two guards. Several others were injured.

“I am shocked and horrified by what took place today in Garowe. The complete disregard for the lives of people working on the humanitarian and development needs of the people of Somalia is despicable,” said SRSG Kay.

At about 8:00 this morning, an explosion took place targeting a UN vehicle in Garowe, Puntland, Somalia. It is suspected that a suicide bomber was used in the attack. Al-Shabaab has claimed responsibility.

“This was a blatant act of terrorism and a desperate attempt to derail Somalia’s path towards peace and stability,” said SRSG Kay.

“I commend the swift response of Puntland’s security forces and medical staff and all of the United Nations team in Garowe,” said SRSG Kay. “I would like to express my gratitude to the Puntland government and people for the support and concern they have shared with us.

SRSG Kay offers his deep condolences to the families and friends of those who have been killed as a result of this barbaric act and wishes a swift recovery to those injured.

He expresses his appreciation to United Nations staff in Somalia for their continued dedication under difficult circumstances.

Ends.

FAAHFAAHIN DHEERAAD AH: Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii argagaxisada ee ee lagu qaaday QM ee Garoowe

Muqdisho, 20 Abriil 2015 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaalia, Nicholas Kay, ayaa caddeeyay sida uu uga carooday weerarkii argagaxiso ee maanta ee keenay dhimashada afar ka mid ah shaqaalaha UNICEF iyo labo waardiye. Dhowr kalena waa lagu dhaawacay.

“Waxaan ka naxay oo ifajiciyay wixii maanta Garoowe ka dhacay. Sida aan loogu aabayeelin nolosha dadka ka shaqeeya gargaarka baniaadanimo iyo baahida horumarineed ee dadka Soomaaliyeed waa wax aad u foolxun oo laga xumaado,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

Abbaarihii 8:00-dii subaxnimo ee maanta, ayaa waxaa dhacay qarax lala beegsaday gaari ay leedahay QM, magaalada Garoowe, Puntland, Soomaaliya. Waxaa la tuhunsanyahay in qof ismiidaamiyay loo adeegsaday qaraxa. Al-Shabaab baa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

“Kani waa fal argagaxiso oo qaawan iyo iskuday naflacaari ah oo loola danleeyahay in lagyu mijxaabiyo horumarka ay Soomaaliya u qaadayso nabadda iyo xasilloonida,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

“Waxaan ammaan u soo jeedinayaa gurmadka degdegga ah ee ciidamada amniga Puntland iyo shaqaalaha caafimaadka iyo dhammaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Garoowe,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “Waxaan jeceIahay inaan dowladda iyo dadka reer Puntland ugu mahadceliyo taageerada iyo welwelka ay nala qaybsadeen.

Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo saaxiibada dadkii lagu dilay falkan waxashnimada leh, kuwa dhaawacana waxaan u rajeynayaa caafimaad degdeg ah.

Wuxuu caddeeyay inuu shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ugu mahadcelinayo sida ay mar kasta ugu heelanyihiin hawshooda iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag.

Dhamaad.