Mogadishu, 14 April 2015 – The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia (SRSG), Nicholas Kay, condemns today's terrorist attack on the Ministry of Culture and Higher Education in Mogadishu city that resulted in the death and injuries of civilians, members of the security forces and Government workers.
"I condemn today's terrible terrorist attack in Mogadishu in the strongest terms and am appalled by the complete disregard for the lives of innocent people shown by the attackers. An attack on the Ministry of Culture and Higher Education is an assault on Somalis' brave efforts to build a brighter future for the youth of their nation.
These are difficult days for peace-loving people in Somalia and the wider region. We must be united and resolute in the face of continuing terrorism. I extend my deepest condolences to the Federal Government and the families and loved ones of those killed in the attack, and wish the injured a speedy recovery.”
SRSG Nicholas Kay reiterates the UN’s unfaltering commitment to fighting the scourge of terrorism and supporting the people and the Federal Government of Somalia to ensure security and stability.
Ends.
Faafin Degedeg ah
WAR-SAXAAFADEED 12/2015
Ergeyga QM ee Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee lagu qaaday Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare
Muqdisho, 14 Abriil 2015 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee maanta lala beegsaday Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah, xubno ka tirsan Ciidanka ammaanka iyo shaqaalea dowladeed.
"Waxaan sida ugu adag u cambaareynayaa weerarkii argagaxiso ee naxinta lahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana aad iiga naxisay sida arxan darrada ah ee kuwa weerarka soo qaaday ayna ugu aabayeelin nolosha dadka aan waxba galabsan. Weerar lala beegsado Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare waa weerar lagu qaado dadaalka geesinimada leh ee ay dadka Soomaaliyeed ugu jiraan inay mustaqbal ifa u dhisaan dhallinyarada dalkooda.
Maalmahani waa maalmo adag oo soo wajahay dadka nabadda jecel ee Soomaaliya iyo dalalka ku yaalla gobolka guud ahaanba. Waa inaan u midownaa kuna adkaanaa si aan u wajahno argagaxisada joogtada ah. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Dowladda Federaalka iyo qoysaska iyo asxaabta ay ka geeriyoodeen dadkii weerarka lagu dilay, waxaana ku dhaawacmay u rajeynayaa caafimaad degdeg ah.”
Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu ku celceliyay in QM ay go’antahay ayna daaleynin la dagaallanka masiibada argagaxisada iyo taageerada dadka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida.
Dhamaad.