Mogadishu, 31 August 2014 – The United Nations, Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) and European Union (EU) welcomed the agreement by Col Barre Adan Shire (Barre Hiiraale) to participate in a reconciliation process and for his irregular military forces to present themselves for screening and potential integration into the Somali National Army (SNA) with the support of the Federal Government of Somalia.
“We welcome this agreement between Col Barre Hiiraale and the Interim Jubba Administration brokered by the Federal Government of Somalia. It is an important step forward in the path towards peace- and state-building for all Somalis. We stand ready to support a reconciliation conference in the coming weeks and urge all parties to engage in constructive consultation and reconciliation involving all stakeholders, ensuring that the interests of all communities are protected. Somalia’s international partners remain committed to supporting the nation’s peace and state-building agenda”.
Ends.
Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen wakiilka Qaramada Midoobay, IGAD iyo Midowga Yurub ee qaabilsan Soomaaliya
Saaxiibada kasocdo caalamka oo soo dhoweeyay horumarka laga gaaray dib-u-heshiisiinta Kismaayo
Muqdisho, 31 Agosto 2014 – Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD iyo Ururka Midowga Yurub ayaa soo wada dhoweeyay heshiiskii uu galay Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale, heshiiskaas oo uu uga qeyb gelaayo geedi socodka dib u heshiisiinta iyo ogolaanshaha ay ogolaadeen qaar kamid ah ciidamadiisa aan caadiga ahayn in la baaro kadibna ay oogu suurto gasho in ay kamid noqdaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayagoo kaalmo ka helaayo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.
“Waxaan soo dhoweyneynaa heshiiskaan ka dhex dhacay Korneel Barre Hiiraale iyo Maamulka Kumeelgaarka Jubba, heshiiskaas oo ay dhexdhexaadisay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca nabad-sameynta iyo qaran-dhisidda Soomaaliya. Waxaan diyaar u nahay in aan taageerno shirka dib u heshiisiinta ee la filayo in uu qabsoomo usbuucyada soo socdo, sidoo kalane waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada ay arrintu khuseeyso in ay la xariiraan dadka ay arrimaha khuseeyaan oo dhan, loolana xariiro dadkaasi si wax-dhisid iyo dib u heshiisiin ku dheehantahay. Waana in la xaqiijiyo sidii lagu dhowri lahaa dhamaan masaalixda iyo danaha umadahaas oo dhan (dadka ku nool Jubbooyinka). Saaxiibada Soomaaliya ee kasocdo Caalamka waxaa ka go’an in ay sii wadaan taageerada ay u fidinayaan habka nabad sameynta iyo qaran dhisidda umadda Soomaaliyeed”.
Dhamaad.