Informing humanitarians worldwide 24/7 — a service provided by UN OCHA

Somalia

UN Envoy for Somalia condemns new outbreak of fighting in Gaalkacyo [EN/SO]

Mogadishu, 28 November 2015 – The Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) in Somalia, Nicholas Kay, condemns in the strongest terms the renewed outbreak of hostilities in the Somali city of Gaalkacyo this morning and calls on all parties to immediately cease fire and open dialogue to find a peaceful solution to the underlying issues.

The renewed heavy fighting between Puntland and Galmudug security forces this morning has resulted in numerous casualties among the civilian population, and comes six days after the initial clashes between these forces and allied armed groups left at least six people dead in Gaalkacyo.

“The fighting must stop, any shelling of civilian areas of the town may constitute war crimes or crimes against humanity, and those responsible for such attacks will be held accountable,” said SRSG Kay. “I, once again, call upon the Presidents of Puntland and Galmudug to instruct their security forces to end the fighting without any delay and cooperate with Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke to arrange an immediate meeting to resolve this crisis peacefully.”

The UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) stands ready to facilitate all efforts, including those of the Prime Minister and the elders of Galkayo, to bring a halt to the hostilities and to find a lasting solution to the dispute between Puntland and Galmudug.

-END

Egeyga QM ee Soomaaliya oo cambaareeyay dagaalka ka soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo

Muqdisho, 28 November 2015 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa si kulul u cambaareeyay dagaalka mar kale saaka ka dillaacay magaalada Soomaaliyeed ee Gaalkacyo wuxuuna dhinacyada dhammaantooda ku booriyay xabad-joojin degdeg ah iyo inay furan wadahadal xal nabadeed looga gaaro arrimaha la isku haysto.

Dagaalka culus ee saaka ka dhex dillaacay ciidamada amaanka Puntland iyo Galmudug ee sababay dhimasho/dhaawac fara badan oo soo gaaray dadka rayidka, wuxuu imanayaa lix maalmood ka dib markii iska horimaadyadii koowaad ee dhexmary ciidamadaas iyo kooxo bahwadaag la ah oo hubaysan ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof magaalada Gaalkacyo.

“Dagaalka waa in la joojiyaa, duqeyn kasta oo loo geysto goobaha ay dadka rayidku magaalada ka deganyihiin waxay noqon kartaa dembiyo dagaal ama dembiyo ka dhan ah baniaadanka, kuwa ka mas’uul ah weerarradaasna waa lala xisaabtami doonaa,” ayuu yiri ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “Aniga, waxaan, mar kale, Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug ugu baaqayaa inay ciidamadooda amaanka amar ku siiyaan inay degdeg dagaalka u joojiyaan lala shaqeeyaan Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke si uu u qabto kulan degdeg ah oo lagu xalliyo xasaradda si nabad ah.”

Hawlgalka QM ee Kaalmeynta Soomaaliya (UNSOM) waxay diyaar u yahay inuu fududeeyo dhammaan dadaallada colaadaha lagu joojinayo xal waarana loogu raadinayo muranka u dhexeeya Puntland and Galmudug, dadaalladaasoo ay ka midyihiin kuwa ay wadaan Ra’iisal Wasaaraha iyo odeyaasha magaalada Gaalkacyo.

-DHAMMAAD